Connect with us

somalilandtoday.com

Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho +SAWIRRO

focus

Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho +SAWIRRO

(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka socda Banaanbax xooggan rabshado wata oo ay dhigayaan dad u badan dhalinyaro oo ah kuwa ka shaqeeysta Mooto Bajaajta, kaasi oo si gaar ah uga socda Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Banaanbaxaan ayaa yimid kadib markii saaka askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya uu Isgoyka howlwadaag ku dilay Darawal Mooto Bajaaj iyo wiil Dhalinyaro ah oo saarnaa Mootada.

Sidoo kale dadka dhigayaa banaabaxay ayaa Wadooyinka ku gubaya taayaro waa weyn, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas ay riadaan Ciidammo ka tirsan Booliska dalka Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top