Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Dawladda Jabuuti U Fadhiya Hargeysa

focus

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Kulmay Safiirka Dawladda Jabuuti U Fadhiya Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya Hargeysa Amb Xuseen Cumar Kawaaliye.

Wasiir Faratoon oo qoraal kooban ka soo saaray kulanka ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti yahay mid ku dhisan dhaqan wadaag iyo ganacsi xooggan “Waxaanu badanaba isku raacsanahay sii xoojinta xidhiidhka,” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Ma cadda in kulankan ay soo dedejisay xiisadda todobaadkii la soo dhaafay ka dhex taagnayd ganacsade Axmed Geelle Arab iyo dawladda Jabuuti taas oo keentay in bulshada Somaliland si weyn u dhalliisho madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ganacsato isxilqaamay oo reer Somaliland ah ayaa dejiyay xiisadda kuna hawlan xal u helista arrimaha la isku hayo

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top