Connect with us

somalilandtoday.com

Wargayska L’Equipe Ee Ka Soo Baxa Faransiiska Oo Dhaleeceyay Qaab Ciyaareedki Xalay Ee Laacibiinta Pual Pogba Iyo Lionel Messi.

focus

Wargayska L’Equipe Ee Ka Soo Baxa Faransiiska Oo Dhaleeceyay Qaab Ciyaareedki Xalay Ee Laacibiinta Pual Pogba Iyo Lionel Messi.

(SLT-Paris )Aduunka oo dhan ayaa og in wargayska caanka ah ee L’Equipe uu yahay mid gabi ahaanba ka duwan qiimaynta ay sameeyaan warbaahinta caalamka ee Sportska ka shaqeeyaa, waxayna soo bandhigaan qiimayn aan wax naxariis ah lahayn oo ku salaysan qaab ciyaareedka ciyaartoyda.

Iyada oo warbaahinta kubbada cagta caalamku ay isku khilaafeen qiimayntii ciyaartoyda kooxaha Manchester United iyo Barcelona ee kulankii Old Trafford, ayuu wargayska L’Equipe qiimayntiisa ku shaaciyay in Pual Pogba uu ahaa xidigii ugu liitay kulankii lugtii hore ee siddeed dhamaadka Champions League ee Barcelona guusha kaga soo gaadhay Man United.

Wargayska L’Equipe oo waliba dalka uu Pual Pogba dhalasho ahaan ka soo jeedo ee France ka soo baxa ayaa Pogba ku qiimeeyay in 3 darajo oo kaliya uu ka helay qiimaynta laga doonayay ee 10/10 ka ahayd waxaana lagu qiimeeyay 3/10 oo ah qiimayntii ugu liitay ee uu ciyaartoy kulankan ka helay.

Inkasta oo Ashely Young uu 30 jeer booskiisa u lumiyay Barcelona intii ay socotay ciyaartii Old Trafford, waxaa haddana Young la siiyay 4/10 ama 4 darajo isaga oo xataa waxyar dhaama Pual Pogba.

Lionel Messi oo aan heerkii looga bartay ku dhawaan kulankii Man United ayaa isna lagu qiimeeyay 4/10 inkasta oo uu haddana ahaa xidiga ay inta ugu badan Man United awooda saaraysay in ay ilaaliso wuxuuna Messi ka mid yahay ciyaartoyda qiimaynta ugu liidata ka helay L’Equipe.

Haddaba halkan kaga bogo Qiimayntii Uu Wargayska Caanka Ah Ee L’Equipe Ka Sameeyay Ciyaartoyda Man United iyo Barcelona:

Qiimaynta L’Equipe Ee Man United

David de Gea | 5

Ashley Young | 4

Victor Lindelof | 4

Chris Smalling | 5

Luke Shaw | 5

Diogo Dalot | 5

Scott McTominay | 7

Fred | 6

Paul Pogba | 3

Marcus Rashford | 4

Romelu Lukaku | 4

Qiimaynta L’Equipe Ee Barcelona

Marc-Andre ter Stegen | 5

Nelson Semedo | 5

Gerard Pique | 6

Clement Lenglet | 6

Jordi Alba | 5

Ivan Rakitic | 5

Sergio Busquets | 6

Arthur | 5

Lionel Messi | 4

Luis Suarez | 6

Philippe Coutinho | 5

Gerard Pique, Clement Lenglet, Sergio Busquets iyo Luis Suarez ayaa noqday afarta xidig ee qiimaynta ugu fiican ka helay L’Equipe.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top