Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Magaalada Khartoum Oo Gashay Xaalad Milateri (Raadiyaha Iyo Telefishinka Oo Ciidamo La Wareegeen)

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Magaalada Khartoum Oo Gashay Xaalad Milateri (Raadiyaha Iyo Telefishinka Oo Ciidamo La Wareegeen)

(SLT-Khartoum)-Xaalad Millateri ayaa saaka ka jirta magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, kaddib markii Ciidamada Milateriga ay la wareegeen xarumo muhiim ah, sida Raadiyaha dowladda Xarunta Telefishinka.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku sugan xarunta Madaxtooyada, halkaasoo la sheegayo in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir lagu xanibay.

Garoonka diyaaradaha ayaa sidoo kale saaka la xiray, waxaana xaalada u muuqataa mid gebi ahaanba Ciidamada Milateriga iyo kuwa Nabadsugida isla og yihiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada ay saaka aroortii kulan yeesheen, kana wada hadleen xaalada ay gashay dalka Suudaan oo banaan baxyo ka socdeen, waxaana la filayaa inay soo saaraan go’aano.

Telefishinka Al Carabiya ayaa soo warinaya in Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir uu xukunka ka degi doono, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda bayaan laga sii daayo Telefishinka dowladda.

Bilihii la soo dhaafay dibad baxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ka socday magaalada Khartoum iyo magaalooyinka kale, waxaana dibad baxyadaas xaalada ka dhigtay mid fowdo iyo jahwareer gelisay dalka oo dhan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top