(SLT-Khartoum)-Wararka ka imaanaya magaalada magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa sheegaya in xiisad ay saaka ka taagan magaalada, iyadoo ciidamada Meletariga ay la wareegeen xarumo Muhiim ah.
Ciidamada Mellatariga dalka Suudan ayaa la wareegay xarunta Taleefishinka Qaranka iyo Raadiyaha dowladda, waxaana ay xaalada u muuqataa in Afgambi lagu sameynayo madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Meletariga ay madaxtooyada ku xanibeen madaxweynaha Sudan Al Bashiir, waxaana ay ku sugan yihiin madaxtooyada magaalada Khartuum.
Xaalada ayaa u muuqata mid ay iska war hayaan ciidamada maletariga iyo Nabad Sugidda Suudaan, waxaana sidoo kale la xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Khartuum, iyadoo ayna jirin dhaqdhaqaaq diyaaradeed oo garoonka ka socda.
Saraakiisha Ciidamada mellatariga ayaa yeeshay kulamo gaar ahaa oo saacado socday, waxaana ay kaga hadleen xaalada Sudan iyo banaanbaxyadii ugu dambeeyay ee dhacayay walow ayna wax go’aano ah soo saarin.
Wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Sudan uu ku khasbanaan doono inuu xukunka ka tago, waxaana la ogeyn sida xaalka isku badali doono.
Dhan kale waxa la filayaa in goor dhaw ay warbaahinta la hadlay saraakiisha ciidammada millatarigu.
Dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Khartuum ayaa xaaladda ka dhigtay mid Jahwareer gelisay Suudaan.