Connect with us

somalilandtoday.com

Xaruntii Ugu Horreysay Ee Nukliyeerka Sacuudiga Oo Heer Gebo-gebo Ah Maraysa

focus

Xaruntii Ugu Horreysay Ee Nukliyeerka Sacuudiga Oo Heer Gebo-gebo Ah Maraysa

(SLT-Riyadh)-Waxaa walaac laga muujinayaa dhaq dhaqaaqa Boqortooyada Sacuudiga wado ee dhismaha xaruntii ugu horreysay ee awooda Nukliyeerka oo heer gebo gebo ah maraya.

Sacuudiga ayaa sheegay in Nukliyeerka u doonayaan inay uga kaaftoomaan shidaalka ay u isticmaalaan Tamarta / Korontada dalkaasi, balse waxa la rumeysan yahay inuu qorshahooda yahay inay kamid noqdaan dalalka heysta hubka nukliyeerka.

Xarunta ugu horreysay ee Nukliyeerka ayuu dhismaheeda ka socdaa duleedka magaalada Riyadh ee caasimada dalkaasi, waxayna Boqortooyada Sacuudiga diiday inay halkaasi booqdaan khabiirada iyo kormeerayaasha ka socda hay’ada Caalamka u qaabilsan Nukliyeerka ee (IAEA).

Dadaalka ay Riyadh ku dooneyso awooda Nukliyeerka ayaa laga cabsi qabaa inay dib usoo nooleyso Barnaamijkii Nukliyeerka ee dalka Iran oo uu wadankaasi kula jiro loolan xoogan.

Xukuumadda Maraykanka ee Donald Trump ayaa dhawaan cambaareyn kala kulmay Kongareeska Maraykanka kadib markii la ogaaday in Aqalka Cad doonayo inuu Sacuudiga ka caawiyo ama ku wareejiyo khibrada dhismaha xaruntooda Nukliyeerka.

Maraykanka, Sacuudiga, Israel iyo Imaraatiga ayaa ahaa dalalkii sida weyn ugu ololeenayey in la burburiyo heshiiskii 2015 ee Beesha Caalamka iyo IRAN ee lagu joojiyey barnaamijkii Nukliyeerka ee Tehran.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top