Connect with us

somalilandtoday.com

Shacabka Dalka Algeria Oo Diidan Madaxweynaha Kumeel-gaadhka Ah

focus

Shacabka Dalka Algeria Oo Diidan Madaxweynaha Kumeel-gaadhka Ah

(SLT-Algeria)-Salaasadii shalay ayuu Baarlamaanka Aljeeriya ansixiyey in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalkaasi uu noqdo Madaxweynaha kumeel-gaadhka ah sida uu qabo Dastuurka dalkaasi.

Madaxweynaha kumeel-gaadhka ayey hawshiisa ku kooban tahay in muddo 90 maalmood gudahood ah kusoo diyaariyo doorashooyinka.

Balse shacabka kacdoonka ka wada dalkaasi ayaa diidan Madaxweynaha Kumeel-gaadhka ah Abdulkader Bensaleh oo ay ku tilmaameen inuu kamid yahay ragga sida weyn ugu dhaw Madaxweynihii xilka ka degay Cabdicasis Boutaflika oo dalkaasi kasoo talinayey muddo ka badan 20 sano.

Boutaflika iyo Madaxweynaha kumeel-gaadhka Bensaleh ayaa kamid ah raggii ka dhex muuqday siyaasada dalkaasi tan iyo intuu xorriyada qaatay, waxayna shacabka intooda badan doonayaan in gebi ahaan la bedalo nidaamka dalkaasi ka jira si loo helo nidaam iyo siyaasiyiin cusub oo dimuquraadi ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top