Connect with us

somalilandtoday.com

Netanyahu Oo Markii Shanaad Raysal Wasaare Ka Noqonaya Israa’iil

focus

Netanyahu Oo Markii Shanaad Raysal Wasaare Ka Noqonaya Israa’iil

(SLT-Tel Aviva)-Raysal Wasaaraha Isra’iil, Benjamin Netanyahu ayaa u muuqda in markii shanaad uu xilkaas qaban doono, ayada oo natiijooyinka doorashadii adkeyd ee dhacday salaasadii ay muujinayaan in xisbigiisa Likud iyo xulafadiisa Garabka Midig ay ku habboon yihiin inay soo dhisaan dowlad wadaag ah.

Ayada oo la tiriyey 97% codadka doorashada, Likud iyo xisbiga White and Blue ee uu hoggaamiyo Jeneral horey uga tirsanaa millatariga ayaa haysta kuraas isku mid ah.

Ayada oo midna aanu awoodin inuu ku guuleysto aqlabiyadda Knesset-ka, waxaa qasab noqon doonta in la dhiso dowlad isbahaysi ah. Likud iyo iyo xisbiyada xulufada la ah ayaa heli kara 65 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka.

Labada xisbi ee Likud iyo Blue and White ayaa midba guul uu sheegtay saacado kadib markii codbiixnta ay dhammaatay.

Netanyahu ayaa taageerayaashiisa u sheegay in Likud ay gaartay guul aad u weyn. Waxa uu sheegay in inkasta oo dowladdiisa wadaagga ah ay noqon doonto mid dhinaca midig ah, haddana uu ra’iisul wasaare u noqon doono dadka oo dhan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top