Connect with us

somalilandtoday.com

Dibad-baxyada Suudaan Oo Sii Xoogeystay

focus

Dibad-baxyada Suudaan Oo Sii Xoogeystay

(SLT-Khartoum)-Kumanaan dibad-baxayaal reer Sudan ah ayaa maalintii shanaad wada ololahooda ka dhanka ah xukunka madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaga oo taagan dibedda xarunta ciidamada ee magaalada Khartoum.

Dibad-baxayaasha ayaa ku hareeraysan iskuna riixayey dhismaha ilaa xalay, ayaga oo heesaya islamarkaana ku qoob cayaaraya heeso kacaan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

“Habeenku wuxuu nagu dhaafay si nabdoon ayada oo aysan wax dhib ah dhicin” waxaa sidaas yidhi mid ka mid ah dibad-baxayaasha oo xalay oo dhan hortaagnaa xarunta.

“Waxaan aaminsannahay in taageerada aan ka heleyno ciidamada iyo booliska ay kordhayaan” ayuu yidhi.

Dibad-baxayaasha ayaa ku dhiiranayey inay ka hortagaan sunta dadka ka ilmaysiisa ee ciidamada sirdoonka qaranka ay ku furayeen.

Ciidammada ammaanka ayaa talaadadii loo sheegay inay joojiyaan inay rasaas ku kala eryaan dibad-baxayaasha.

“Waxay hadda u muuqataa in booliska ay nala jiraan” ayuu yidhi mid ka mid ah dadka dibad-baxaya.

Dhinaca kale, kuwa daacadda u ah madaxweyen Al-Bashiir ayaa ku baaqay banaanbax isaga lagu taageerayo oo khamiista ka dhaca magaalada Khartoum, si looga hortago dibadbaxayaasha dalabanaya is-casilaaddiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top