Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Canada Oo Shaacisay In Laba Haween Ah Oo Haysta Dhalashada Dalkeeda Lagu Hayo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa Iyo Magacyada La Shaaciyey

focus

Dawladda Canada Oo Shaacisay In Laba Haween Ah Oo Haysta Dhalashada Dalkeeda Lagu Hayo Ku Yaalla Magaalada Hargeysa Iyo Magacyada La Shaaciyey

(SLT-Hargeysa)-Dowladda Canada ayaa sheegtay in muwaadiniin u dhashay dalkeeda lagu xidhay meel ka tirsan Somaliland, Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Canada oo war saxafadeed soo saartay ayaa sheegtay in 2 haweena oo u dhashay dalkeeda lagu xidhay Somaliland.


Qunsuliyadda Canada ee Nairobi ayaa sidoo kale sheegtay inay la xidhiidhay Somaliland.

Dhinaca kale, Jason Jeremiyas oo ah U-dhaqaaqe Xuquuqda Rayidka ee Hay’adda “Callled Price of Silence” oo markii ugu horreysay la xidhiidhay Wargeyska The Globe and Mail ee ka soo baxa dalka Canada waxa uu magacyadda Haweenkaas ku xidhan Hargeysa ku kala sheegay Maymuum Cabdi iyo Kariima Wattis Cumar.

Wargeyska The Globe and Mail waxa uu qoray in aanay si madax-bannaan u xaqiijin karin magacyadda haweenkaasi ku xidhan Hargeysa.

Canada weli faahfaahin dheeraad ah kama bixin sida loo xidhay haweenkaan, Sababta Keentay iyo shaqada ay ka qaban jireen Soomaaliya.

Haweenkaan ayaa waxaa lagu xidhay sida ay Qunsuliyadda Canada ee Nairobi sheegtay Saldhigga Booliska Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Waqtiga la xidhay haweenkaan ayey safaaradda sheegtay inay aheyd Bishii January isla markaasna ay weli ku xidhan yihiin xabsigaas.

Sida la ogaaday Labadaan Haweean ayaa waxaa lala xidhay qof seddexaad oo haysta Dhalashada Dalka Ingiriiska, waxayna weli ku jiraan Xabsiga Hargeysa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top