Connect with us

somalilandtoday.com

Cudurka Jadeecada Oo Ku Faafaya Dalka Mareykanka

focus

Cudurka Jadeecada Oo Ku Faafaya Dalka Mareykanka

(SLT-Washington)-Waxaa sii kordhaya tirada kiisaska la xidhiidha cudurka jadeecadda ee laga helayao gudaha dalkaan Mareykanka, iyadoo saraakiisha gobollada qaar ay arrintani ku qasbeyso in ay qaadaan tallaabooyin aan caadi aheyn.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in kiisaska ilaa iyo hadda la diiwaangeliyay ee ah carruurta uu ku dhacay cudurka jadeecada ee dalkaan Mareykanka ay mareysa 465, halka todobaadki hore ay ka aheyd 387 kiis.

Duqa magaalada New York, Bill de Blasio ayaa salaasadii shalay xaalad deg deg ah kusoo rogay afar xaafadood oo ay ku badanyihiin bulshooyinka yahuudda ee diinta ku adag, xaafadahaas oo ku yaalla degmada Brooklyn. Dadkaani qaar ayaa diiday in ay tallaalaan carruurtooda.

Wuxuu amar ku bixiyay, in dadka ku nool qeybo ka mid ah degmada Brooklyn looga baahnaan doono, in ay qaataan tallaalka loo yaqaano MMR si looga hortago faafista cudurka jadeecadda.

Magaalada New York oo kaliya waxaa laga helay 285 kiis oo cudurka jadeecada ah, waana tirade ugu badneyd tan iyo 1991.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top