Connect with us

somalilandtoday.com

Askar Ka Tirsan Millatariga Suudaan Oo Lagu Dilay Dibadbaxyadda Ka Socda Khartoum

focus

Askar Ka Tirsan Millatariga Suudaan Oo Lagu Dilay Dibadbaxyadda Ka Socda Khartoum

(SLT-Khartoum)-Ciidammada ammaanka ee dalka Suudaan ayaa la sheegay inay shalay dileen ugu yaraan 2 Askari oo ka tirsan Millateriga dalkaasi.

Koox xidhiidh la leh Mucaaradka dalkaasi ayaa sheegay in askartaasi la dilay, xilli ay doonayeen inay badbaadiyaan Dibadbaxayaasha ku sugan agagaarka xarunta dhexe ee Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi oo ku taalla Khartoum.

Guddiga Dhakhaatiirta Suudaan oo xidhiidh la leh Kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in labada askari la dilay, kadib markii ay isku dhaceen ciidan ka wada tirsan kuwa Ammaanka ee dalkaasi.

Kumanaan Dibadbaxayaal ayaa maalintii afaraad hor-fadhiya agagaarka Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Difaaca, waxayna codsanayaan inuu iscasilo Madaxweyne Albashiir.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top