(SLT-Riyadh)-Sacuudi Carabiya ayaa maanta soo dhoweysay go’aanka Mareykanka uu ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ugu calaameeyey urur argagixiso.
“Go’aanka Mareykanka waxa uu daba socdaa dalabyadii joogtada ahaa ee Boqortooytada ay ugu jeedisay beesha caalamka inay wax ka qabtaan argagixisada ay Iran taageerto” waxaa sidaas lagu yidhi qoraal lagu baahiyey wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo soo xiganeysa ilo-wareed ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.
Ilo-wareedkan ayaa tallaabada Mareykanka ku qeexay “tallaabo dhab iyo ficil ah” oo loo qaaday in wax looga qabto waxa Sacuudiga ay ku qeexeen faro-gelinta Iran ee arrimaha gobolka.
Go’aanka Washington ay qaadatay Isniintii ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo Mareykanka uu ciidamada waddan kale ku calaameeyo urur argagixiso.
Waxa uu macnaheedu yahay in qof kasta oo la macaamila ciidamada Ilaalada Kacaanka islaamiga ah ee Iran uu wajahyo inuu xabsi ku galo dalka Mareykanka.