Connect with us

somalilandtoday.com

Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Kaalmo Dhaqaale Siinaya Shacabka Dalka Yemen

focus

Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Kaalmo Dhaqaale Siinaya Shacabka Dalka Yemen

(SLT-Riyadh)-Sacuudiga Iyo Imaaraadka ayaa waxa ay si wadajir ah u sheegeen inay 200 oo million oo Dollar ugu talagaleen inay dadka Reer Yemen ay u adeegsadaan Kharajka bisha barakaysan ee Ramadaan oo bilaaban doonta bisha soo socota ee sannadkan.

Kaalmadaas waxaa la sheegay inay qeyb ka tahay 500 oo million oo Dollar oo ay Sacuudiga iyo Imaaraadka sheegeen ballanqaadeen bishii November ee sannadkii hore.

Dhinaca kale, Milliteriga labadaasi dal waxay qeyb ka yihiin Isbahaysiga Milliteri ee dagaalka kula jira Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taakuleyso.

Dagaalka weli ka socda dalka Yemen waxa lagu dilay Tobanaan kun oo qof, halka ay Malaayiin kalena ku baraceen, iyadoo 10 million oo kalena ay qarka u saaran yihiin macluul iyo cunto-xumo baahsan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top