Connect with us

somalilandtoday.com

Askar Mareykan Oo Lagu Dilay Dalka Afganistan

focus

Askar Mareykan Oo Lagu Dilay Dalka Afganistan

(SLT-Afghanistan)-3 Askari oo Maraykan iyo Qandaraasle ayaa waxay ku geeriyoodeen qarax shalay ka dhacay meel ku dhow Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Bagram ee dalkaasi.

Qaraxaasi waxaa kaloo ku dhaawacmay 3 Askari oo Maraykan ah, kuwaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Saldhigga Bagram oo 40 mayl u jira caasimadda dalka Afganistan ee Kabul.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay xaqiijisay khasaarahaasi, balse waxay ka gaabsatay in la shaaciyo magacyadda Askarta geeriyootay, ka hor inta aan lagu wargelinin Qoysaskooda.

Tiradda Guud ee Askarta Maraykanka ee sannadkan lagu dilay dalka Afganistan waxay gaarayaan 7 Askari.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top