Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Oo Is-casishay Iyo Trump Oo Lumiyay Xubintii Ugu Muhiimsanayd Golihiisa Wasiirrada

focus

Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Oo Is-casishay Iyo Trump Oo Lumiyay Xubintii Ugu Muhiimsanayd Golihiisa Wasiirrada

(SLT-Washington)-Xoghayaha Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka Kirstjen Nielsen ayaa iscasishay ka dib muddo 16 bilood ah ay heysay jagadaas.

Waxaa loo maleynayaa inay isu casishay cadaadis xooggan oo ay kala kulmeysay Aqalka Cad iyo aragtida kala duwan ee dadweynaha Mareykanka ee siyaasadda dowladda ee maareynta Xuduudda Koonfureed.

“Inkastoo aan horumar ka sameynay dib u qaabeynta wasaaraddan amniga Gudaha, hadana waxaan goostay in la joogo waqtigii ugu haboonaa ee aan iscasili lahaa” ayey ku tiri qoraal kooban oo ku qornaa warqadda istiqaaladeeda oo ay u gudbisay Madaxweyne Trump.

Inkastoo aaney sheegin sababta dhabta ah ee ay xilka uga degeyso, ayey hadana Mrs. Nielsen ku qortay warqadeeda Isticaaladda –inay rajeyneyso in xoghayaha iyada bedeli doona uu taageero ka heli doono Congresska iyo Maxkamadaha sharciga ee dalkan si bey tiri uu waxa uga bedello sharciyo iyada ka horistaagay inay si buuxda u sugto amaanka xuduudaha Mareykanka.

Waxey tiri ragga iyo dumarka ka shaqeeya wasaaraddan waxey mudanyihiin inay helaan dhamaan imkaaniyaadkii ay u baahnaayeen si bey tiri ay u fuliyaan howsha loo igmaday.

Dadka siyaasadda ka faalooda ayaa sheegay in Mrs. Nielson ay ku jaha wareertay waxey u aragtay wada shaqeyn la’aan dhinaca Congresska iyo Maxkamadaha ah oo ku aadan wax ka qabashada soo galowga sharci darada ah.

Madaxweyne Trump ayaa fariin kooban oo uu soo dhigay bogiisa Twitterka ku sheegay Axaddii in Neilson ay shaqada ka tageyso –isla markaana ugu mahad celiyay howshii ay u soo qabatay dowladiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top