Ma garanyo waxa ugu jira deegaanka aan ka soo jeedo dib u furista dastuurka ee aan dadka kale ee Somaliland oo dhan ugu jirin. Waa jiraan meelo wax ka badal u baahan oo aniga laftaydu aan aaminsanhy in wax ka badal lagu sameeyo, Laakiin dastuurka ha la ii furo maaha ee qaab buu leeyahy dadku ugu cawdaan oo wax looga badalo. Ma jirto macaasha gaara oo ay gobolada aan ka soo jeedo ka helayaan oo dee anagaba dooni lahyn haday jiri lahaayeen.
Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii dastuurka codeyntiisa ka hirgaliyey gobolada bariga Somaliland; Anigoo ahaa Wasiirka xanaanada xoolaha iyo Gudoomiyihii dastuurka gobolada Bariga xaruntaydun ahyd Caynba.
Waqti baanu ku bixinay in laga Codeeyo sool iyo Sanaag oo aanu juhdi iyo tacab galinay in maanta wixii aanu hawsha u galany ee looga codeeyey Garoowe dusheeda maanta hadal iyo hugan laga galiyo waxaan u arkaa in ay tahy dhabar jab uun.
Dadka shacbiga dad baa halku dhig uga dhigay dan gaara le dib u furistiisa.