Connect with us

somalilandtoday.com

Weerar Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Dalka Sacuudiga Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Weerar Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Dalka Sacuudiga Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Riyadh)-Dabley hubeysan oo tiradooda dhamayd 4 qof ayaa la sheegay inay weerareen Bar Kontorool oo ay Ciiddanka Ammaanka ku lahaayeen Bariga dalka sacuudiga, una dhow xuduudka dalalka Baxrayn iyo Kuwayt.

Telefishinka Al-arabiya ayaa sheegay in la dilay 2 ka mid ah dableyda, halka 2 kalena nolol lagu qabtay, iyadoo 3 ka mid ah Dableydaasi ay ku jireen Liiska Eedeysanayaal la baadi-goobayey oo ka soo jeeda Gobalka Al-qatif ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Diyaaradaha Dagaalka ee Isbahaysiga Sacuudiga ayaa la sheegay inay duqeeyeen dhismayaal ku yaalla caasimadda dalka Yemen ee Sanca oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta gacanta ku hayaan.

Ugu yaraan 11 qof oo rayid ah oo ay ku jireen Arday iyo carruur ayaa lagu dilay duqeyntaasi, halka 39 kalena lagu dhaawacay

Ilo dhinaca cisbitaaladda oo la hadlay wakaalladda Wararka AP waxay tirada dhimashada gaadhsiiyeen 13 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah , iyadoo in ka badan 100 kalena lagu dhaawacay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top