Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Midowga Yurub Ka Sugaya Qorshe La Xidhiidha Somaliland Iyo Soomaaliya

focus

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Midowga Yurub Ka Sugaya Qorshe La Xidhiidha Somaliland Iyo Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay ka dhur-sugayaan Midowga Europe, si loo dhaqaajiyo Wada-xaajoodka Somalilandiyo Soomaaliya.

Shabakadda Wararka ee African Daily Voice (ADV) ee fadhigeeda dhexe ku yaalla Addis Abeba ayaa qortay inuu Raysal wasaare Abiy Ahmed ka war sugayo Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe si loo xaqjiiyo qorshaha wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Toddobaadkii la soo dhafaay, Wafti ka socday dhowr Dowladood oo ka tirsan EU-da ayaa waxay booqasho ku yimaadeen magaalada Hargeysa, iyagoo wada-xaajood la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sidii hore loogu dhaqaajin lahaa wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland.

Sannadkii 2014-kii, Dowladda Turkiga ayaa qabanqaabisay Shir lagu dhexdhexaadinayo Soomaaliya iyo Somaliland, balse dadaalkaasi ma guulaysan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top