Connect with us

somalilandtoday.com

Kaalinta Madaxtooyada Somaliland Ee Qaddiyadda Axmed Cismaan Geelleiyo Jabuuti: Gar Leexsan Iyo Guddoon Jilicsan

Articles

Kaalinta Madaxtooyada Somaliland Ee Qaddiyadda Axmed Cismaan Geelleiyo Jabuuti: Gar Leexsan Iyo Guddoon Jilicsan

Dawladda Somaliland waxay qirtay inay wax ka ogayd intii dacwadda jabuuti iyo axmed cismaan geelle soo socotay, 

Madaxtooyada Somaliland waxay caddaysay inay aqoonsi caalami ah doonayso oo ay iska dhawrayso wixii danteeda carqaladaynaya, kumana qaldana inay sidaa u dhigto dooddeeda,

Waxase gar weecsan ah in Somaliland ay waji aan dhexdhexaad ahayn ku qaabishay dacwaddan u dhaxaysa muwaadin dalkeeda u dhashay iyo bangiyo shisheeye, waxay aflagaaddaysay beel dhan oo sheikh iyo shariifba leh.

waxay arrintii u sawirtay in ina geelle yahay nin hanti soo dhacay oo Somaliland kula soo dhuuntay, isla markaana laga doonayo inuu lacagtaa iska bixiyo, waxay ka been sheegtay booliska caalamiga ah ee Interpol taasoo aanu ganacsade axmed cismaan geelle ka mid ahayn dadka ku jira liiska raadinayso Interpol, si aad u hubsato ka eeg webka Interpol (https://www.interpol.int/en) ka dibna eeg wanted persons, , madaxtooyada Somaliland mar kali ah ma soo hadal qaadin doodda ina cismaan geelle ku sheegayo in hantidiisi jabuuti ku xayirantahay mawqif cadna iskama ay taagin in uu xaq leeyahay in hantidaa loo soo celiyo, qodobkaasi wuxuu arrinta u sawirayaa in madaxtooda Somaliland si cad dhinac u la safantahay, 

Markii aan dhegaystay garta ganacsade axmed cismaan geelle, waxa iiga soo baxay nin diyaar u ah inuu jidbaxo, nin diyaar u ah inuu xaqiisii helo, daynta lagu leeyahayna uu iska bixiyo, nin so ragganimo leh u diiday inuu baad bixiyo, ugu dambayntii waxa caddaatay in siyaasaddii Somaliland gacanta u gashay qoyska madaxtooyada jabuuti, aad baanse uga xumahay madaxweyne muuse oo aan u hanwaynaa inuu sidaa u dhaqmo, isagoo arrinta si deggen u dhamayn karayay, waxaa igu maqaalo ah in madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed M. Siilaanyo uu si cad u diiday inuu jabuuti u gacan geliyo ganacsade axmed cismaan geelle,

Yusuf Cabdi

yuusufcabdi74@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top