Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Carabta Oo Uga Digay Muwaadiniintiisa Inay U Safraan Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

focus

Imaaraadka Carabta Oo Uga Digay Muwaadiniintiisa Inay U Safraan Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

(SLT-Dubai)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Soomaaliya, iyadoo ka cabsi qabto weeraro iyo afduub loo geysto dalxiisayaasha u dhashay dalkeeda.

Walaacan cusub ee dhinaca amniga ah ayaan ku koobneyn Soomaaliya oo kaliya, balse waxaa ku jira 10 dal oo kale oo u badan qaarada Afrika, iyadoo dalalka Brazil iyo Ukraine la sheegay in amnigooda hada la isku haleyn karo, taasoo keentay in laga saaro meelaha khatarta kag imaan karta.

Digniintan cusub ee ka soo baxday Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in la gaadhsiiyay dhamaan Safaaradaha Imaaraadka Carabta uu ku leeyahay dalalkan, waxaana muwaadiniinta hada dalalkaas ku sugan la faray inay deg deg ula xidhiidhan safaarada, si hadii wax dareemaan degdeg gurmad ugu helaan.

Wadamada laga digay in loo safro ayaa kala ah Madagascar, Democratic Republic of the Congo, Yemen, South Sudan, Afghanistan, Somalia, Pakistan, Syria, Nigeria, Iraq iyo Libya, iyadoo madaxda dalalkaas wali arintan aysan ka hadal.

Pakistan oo ku jirta liiska dalalka ay Dowladda Imaaraadka carabta ka digtay in muwaaddiniinteeda ay u safraan ayaa haddana dadka Imaaraadka waxey Visaha Pakistan ku heli karaan Online-ka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top