Connect with us

somalilandtoday.com

“Ilhaan Cumar Ma Jeceshahay Israa’iil”? Madaxweyne Donald Trump

focus

“Ilhaan Cumar Ma Jeceshahay Israa’iil”? Madaxweyne Donald Trump

(SLT-Las Vegas)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay markale sida ay culeyska ugu noqotay hadallada xildhibaanada laga soo doortay Minnesota Ilhaan Cumar,isagoo khudbad ka jeediyay magaalada Las Vegas.

Trump oo la hadlayay dadka Yuhuuda ee isbahaysiga la leh xisbiga Jamhuuriga ayaa khudbad muddo saacad ah qaadatay ka jeediyay waxa uu ku tilmaamay xisbiga Dimuqraadiga inuu yahay xisbi neceb dadka Yuhuuda ah.

Waxa uu khudbadiisa ku sheegay Trump hadallo jees jees ah oo uu si gaar ah ugu durayay Ilhan Cumar oo xubin ka ah Congresska Maraykanka kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

“Waxaan u mahadcelinayaa xildhibaanada waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ilhan Cumar,Oh,Waan iloobay ma jecla iyada Israel, ma jeceshahay Israel Ilhan? fadlan waan ka cudurdaaranayaa.”ayuu yidhi Trump.

Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha Maraykanka ayaa imanaya maalin kadib markii la xidhey nin magaciisa lagu sheegay Patrick W. Carlineo oo ugu hanjabay Ilhan Cumar inuu dilayo isagoo ku eedeeyay inay tahay argagaxiso.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa intii uu xukunka dalkiisa hayay waxa uu ku dhaqaaqay tallaabooyin uu ku taageerayo Israel,isagoo u aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimada Israel sidoo kalana u aqoonsaday Buuraha Golan dhul ay Yuhuudu leedahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top