Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenay Loo Doortay Hoggaaminta Jaamacadaha KENYA .

focus

Haweenay Loo Doortay Hoggaaminta Jaamacadaha KENYA .


(SLT-Nairobi)Ururka ardayda ee jaamacadda ugu weyn dalka Kenya (University of Nairobi) ayaa markii ugu horreysay u doortay gabadh inay hoggaamiso ururka.

Anne Mwangi ayaa hoggmaamin doonto ururka awoodda badan midowga ardayda jaamacadda muddo 1 sano ah.

Gabadhan oo jaamacadda ka barata cilmiga sharciga ayaa 24 cod uga guulaysatay Samuel Ayoma oo ka mid ahaa ardaydii tartanka kula jiray.

Anne ayaa xilka kala wareegi doonto Anthony Manyara oo ardayda jaamacadda Nairobi hoggaanka u soo hayay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan qayb ka noqdo isbadelka ka socda gudaha Jaamacadda, waxaana u hambalyeynayaa Anne Mwangi”, ayuu yiri madaxa jaamacadda.

Qaraar la meel mariyay sannadkii 2016-kii ayaa lagu sheegay in ururka ay hoggaamin doonan guddi ka kooban madaxa ururka iyo ku xiggeenkiisa, taas oo lagu sheegay inay noqdaan kuwo kala jinsi duwan.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii hoggaanka usoo qabtay midowga ardayda jaamacaddan soo maray ayaa hadda heerar kala duwan uga jira siyaasadda dalka Kenya.

Ma ahan mid badanaa dhacdo inay hoggaanka noocan ah qabtaan gabadho, balse tan ayaa taariikhda dalka gashay, iyada oo si weyn loo hadal hayo.

Xilalkan oo ay awal u badnaayeen inay qabtaan rag ayaa hadda waxa muuqata inay dumarkana fursad helayaan.

Balse jaamacadaha ku yaala gudaha Soomaaliya ayaanan badanaa lagu arkin dumar haya xilal noocan ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top