(SLT-Liverpool)Kooxda Everton ayaa guuldaro xanuun badan dhabarka usoo saartay dhigeeda Arsenal kulan ka qabsoomay Goodison Park oo uu go’aamiyay kabtanka Everton ee Phil Jageilka oo goolka lagu kala baxay dhaliyay daqiiqadii 10-aad.
Guuldaradan ayaa ah mid dib u dhigaysa hammigii Arsenal ee kaalmaha sarre walow ay wali kusii jiri doonaan kala sarreynta booskeeda afraad hadana waxa ay waayi karaan kaalintaas haddii ay habeen dambe Chelsea guul ka gaadho West Ham United.
CAJIIB: Toffees ayaa ku dhawaaday inay rajada kulanka ee Gunners yareeyaan waxaana goolka si toos ah u wajahay Calver-Lewin oo baas ka helay Digne, Goolhaye Leno oo ahaa halyeeyga kulanka ee Arsenal ayaa halistaas ka badbaadiyay kooxdiisa isaga oo xakameeyay darbadii Calvert-Lewin.
Markale Everton oo ahayd kooxda fursadaha kulanka gacantaku haysay ayaa heshay fursad kale oo dahabi ah waxaana goolka si furan kubadda ugula baxay Bernard isaga oo xiddiga ree Brazil meel gees ah kubadda kasoo laagay ayuu lugta ku badbaadiyay kubadda Leno.
Ugu dambayn, Kulanka ayaa kusoo dhammaaday guuldarro dib u dhac ah oo dhabarka loo saaray kooxda Arsenal waxaana ay sii fadhiyi doonaan booska afraad ee kala sarreynta walow ay habeen dambe Chelsea u waayi karaan.