Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal Ka Dhacay Degaanka Tukaraq Iyo Khasaraha Ka Dhashay

focus

Dagaal Ka Dhacay Degaanka Tukaraq Iyo Khasaraha Ka Dhashay

(SLT-Hargeysa)-Wararka ka imaanaya Degaanka Tukaraq ayaa sheegaya in xalay halkaasi dagaal kooban ku dhexmaray ciidamada militariga Somaliland iyo Maleeshiyada uu hoggaamiyo Kornayl Faysal Falaalug.

Dad ku sugan gudaha Tukaraq ayaa u sheegay warbaahinta in koox hubaysan oo ka tirsan Maleeshiyada Faysal Falaalug inay xalay weerar gaadmo dhawr jiho ah ku soo qaadeen fadhiisinka ciidamada Somaliland ee aaga Tukaraq inkastoo markiiba dib loo waabiyey Maleeshiyaadkii weerarka soo qaadday.

Dagaalka oo muddo gaaban socday ayaa waxa ka dhashay khasaare aan si faahfaahsan loo ogayn balse dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay arkeen hal gaadhi oo gubanaya.

Warar kale ayaa sheegaya in uu khasaare nafeed kala gaadhay labada dhinac ha’yeeshee ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijiysay khasaarahaasi iyo inta uu le’egyahy.

Jabhadda la baxday xoraynta SSC oo uu hoggaamiyo Kornayl Faysal Falaalug ayaa badiyaaba weerarro arbusha ku qaadda ciidamada Somaliland ee jooga degaannada gobolka Sool gaar ahaanna tuulooyinka Gambadhe iyo Tukaraq.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top