Connect with us

somalilandtoday.com

Sucuudiga Xabsiga Dhigay 8 Qof Oo Laba Ka Mid Ahi Heystaan Dhalashada Mareykanka.

focus

Sucuudiga Xabsiga Dhigay 8 Qof Oo Laba Ka Mid Ahi Heystaan Dhalashada Mareykanka.

(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Saudi Arabia ayaa shaly xabsiga dhigtay sideed qof oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha, kuwaasoo labo ka mid ahi heystaan dhalashada dalka Mareykanka.

Xadhiga dadkan ayaa yimid saacado kaddib marki uu Aqalka Wakiilada Mareykanka uu Khamiistii cod aqlabiyad leh ku diiday taageeridda Mareykanka uu siiyo diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay in sideedda qof ee la xidhay ay kala yihiin toddoba rag ah iyo haweeneey.

Urur u dooda xuquuqda aadanaha Sacuudiga, saldhigiisuna yahay magaalada London, ayaa sheegay in dhamaan dadka la xiray ay caan ka ahaayeen baraha bulshada. Inta badan waxaa la qabqabtay Khamiistii.

Labada qof ee heysta jinsiyadda Mareykanka ayaa kala ah Badr al-Ibrahim oo ah qoraa iyo dhaqtar iyo Salah al-Haidar oo ah wiil ay dhashay Aziza al-Yousef oo ka mid ah 10 dumar ah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo hadda ku jira xabsiyada Sacuudiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top