Connect with us

somalilandtoday.com

Ninkii Dilka Ugu Hanjabay Ilhaan Cumar Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

focus

Ninkii Dilka Ugu Hanjabay Ilhaan Cumar Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

(SLT-Washington)-Dadaal dheer kadib FBI-da Mareykanka ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan nin dil ugu hanjabay Gabadha uu asalkeedu yahay Soomaali ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar taasoo hadda ka tirsan Golaha Aqalka Hoose ee waddanka Mareykanka.

Patrick Carlineo Jr. oo ah ninka gacanta lagu dhigay ayaa horey khadka Taleefoonka Xafiiska Ilhaan uga hanjbay inuu dili doono isla markaasna ay tahay Argagixiso mudan in adduunka la dhaafiyo.

Xafiiska uu wacay ninkani ayaa ah Xafiiska weyn ee Ilhaan Cumar ay ku leedahay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, wuxuuna dil ugu hanjbay XIldhibaanada kadib markii laga jawaabay wicitaankiisa.

Wicitaankaas ayaa hey’adda FBI-da Mareykanka u fududeeyey inay gacanta lagu soo dhigo ninkaan oo la aaminsan yahay inuu ka tirsan yahay Kooxaha uu ku jira isir naceybka.

Patrick Carlineo Jr. markii gacanta lagu dhigay wuxuu Booliska u sheegay in uu yahay nin Wadani ah isla markaasna jecel madaxweyne Donald Trump.

Sidoo kale wuxuu Booliska u sheegay inuu aad u neceb yahay isla markaasna uu kasoo horjeedo Islaamka Xagjirka ah gaar ahaan kuwa ku jiro Mas’uuliyiinta Dowladda Mareykanka oo ay kamid tahay Ilhaan.

Booliska Maraykanku ma ay sheegin waqtiga ay gacanta kusoo dhigaan ninkaan ku eedeysan inuu dil ugu hanjabay Ilhaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top