Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Markii Ugu Horreysay Qirtay Inay Dad Rayid Ah Ku Dileen Duqeymo Uu Ka Fuliyey Soomaaliya

focus

Mareykanka Oo Markii Ugu Horreysay Qirtay Inay Dad Rayid Ah Ku Dileen Duqeymo Uu Ka Fuliyey Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Millateriga Maraykanka waxay markii ugu horreysay qirteen inay duqeymaha ka socda Soomaaliya ay ku dileen dad rayid ah, kadib sannado ay beenin jireen.

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM waxay shalay subax soo saareen Hadal qoraal oo ay ku sheegeen inay si lama filaan ahayd ugu dileen haweeney iyo ilmo yar duqeyn bishii April 1-dii ee sannadkii hore ka dhacay Nawaaxiga magaalada Ceel-buur ee Bartamaha Somalia.

AFRICOM waxay sheegtay in aanay xilligaasi shaacinin in labada qof oo rayid ahaa lagu dilay duqeyntaasi, balse waxay sheegeen inay dadkaasi rayidka ah la socdeen gaari ay 4 Dagaalamayaal Alshabaab ah la socdeen, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalka Taliska AFRICOM waxa kale oo uu ku soo beegmay, iyadoo Warbixin ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International soo saartay bishii la soo dhaafay ee March 20-da ku sheegtay in ugu yaraan 14 qof o orayid ah lagu dilay Duqeymaha Maraykanka ka fuliyeen Somalia.

Dhinaca kale Agaasimaha Hawlgalladda Milliteri ee AFRICOM, Jeneral Gregg Olson oo ay Suxufiyiinta la xidhiidheen 90 daqiiqo kadib Hadal qoraalka ee AFRICOM ka soo baxay waxa uu tilmaamay inuu Taliskiisa weli ku guda-jiro Dib-u-eegista khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray duqeymahaasi, isla markaana haddii ay helaan faahfaahino dheeraad ah ay si daah-furnaan leh u shaacin doonaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top