(SLT-Liverpool)Mohamed Salah ayaa waqtigii saxda aheyd dib u helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.
Waxa uu muhim u ahaa guushii ay ka gaareen Spurs, haatan waxa uu dhaliyay goolkii labaad ee kulankii ay Liverpool garaacday Southampton.
Salah ayaa u muuqda mid ay nolosha ku soo laabatay iyadoo xilli ciyaareedka Premier League uu gabagabo ku dhow yahay.
XIDDIGA GAROONKA:
Naby Keita (LIverpool): Ka dib markii uu si adag ku bilowday waayihiisa ciyaareed ee Liverpool, waxaa jiray cadaadis badan oo saarnaa xiddiga khadka dhexe kaasoo si lama filaan ah loogu soo bilaabay ciyaarta.
Laakiin waxa uu ahaa xiddigii dhaliyay goolka barbaraha iyadoo muhim weyn ay aheyd qaabkii uu boos u qaatay ka hor inta uusan shabaqa soo taabanin. Liverpool ayaa jaanta isla heleysa waqti ku haboon.