Connect with us

somalilandtoday.com

Yaa Iska Leh Bangiga BCIMR?

Articles

Yaa Iska Leh Bangiga BCIMR?

Waxaan 24 saacadood ee ugu danbeeyay baadhitaan ku samaynaayay bangiga Banque pour le Commerce et l’Industrie – Mer, oo loo soo gaabiyo (BCIMR). Cidda leh? Sida loo maamulo? iyo Halkuu ka diiwangashan yahay.

Bangiga waxaa %70 saamigiisa leh qoyska madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Ismaciil Cumar Geelle, xaruntiisuna waxay ku taalla magaaladda Djibouti, %30 waxaa leh laba ganacsade oo u dhashay dalka Yemen.

Gebi ahaanba Bangigu wuxuu leeyahay laba xarumood mid Jibouti ku taalla iyo mid yagleel ah oo ay sannadkii 2009 kii, ka furteen Hargeysa, waa been aan sal iyo raad toona lahayn in Bangi BCIMR la yidhaahda uu xarun ku leeyahay dalka Faransiiska,ama laga leeyahay dalka Faransiiska balse BCIMR wuxuu ka diiwan gashanyahay suuqa sayladda ee magaaladda Paris

Waxaan xallay la xidhiidhay qaybta diiwanka haayadaha maaliyadda ee sayladda ugu weyn dalka Faransiiska ee loo yaqaano, Euronext Paris, si aan u ogaado cidda ku diiwangashan saamiga Bangiga BCIMR, waxaana Euronext Paris ay xaqiijiyeen in bangiga BCIMR uu saamiyadiisa maamulo Mr. Nyckoss, Tommy Tayoro, oo ay dhalashadiisu tahay dalka Senegal isla markaana ay u dhaxday mid ka mid ah hablaha madaxweynaha Jibouti Ismaciil Cumar Geelle.

Sida lagu sheegay bogga bangiga BCIMR, %51 saamiga Bangiga waxaa leh Bangi kale oo la yidhaahdo Bred oo ka diiwan gashan dalka Faransiiska, balse waxaan ogaaday in Bangigaasi uu shan sanno ka hor iibsaday %20, saamiga BCIMR, balse uu dib iskaga iibiyay saamigaasi ka dib markii uu ka baqday baadhitaan kaga yimido waaxda dabagalka shuruucda ee Banque De France.

Dhawaan ayaan soo gudbin warbixin dheer oo faahfaahsan.

By Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top