Weftigii Safiirrada Ahaa Ee Toddobaadkii Hore Booqashada Ku Yimid Hargeysa Oo Soo Saaray Warmurtiyeed Xasaasi Ah, Baaq-Na U Diray Xukuumadda Iyo Xisbiyadda
Weftigii Safiirrada Ahaa Ee Toddobaadkii Hore Booqashada Ku Yimid Hargeysa Oo Soo Saaray Warmurtiyeed Xasaasi Ah, Baaq-Na U Diray Xukuumadda Iyo Xisbiyadda
(SLT-Hargeysa)-Weftigii danjireyaasha caalamka booqashada shaqo ku yimid Toddobaadkii hore Hargeysa ayaa War-murtiyeed ka soo saaray socdaalkii Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay baaqyo kala duwan u soo jeediyeen madaxda dawladda iyo xisbiyadda Siyaasadda Somaliland.
Warmurtiyeedka ay soo saareen shalay weftigii Safiirrada ahaa oo Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) soo turjuntay ayaa u qornaa sidan:-
“Wefti sare oo ka koobnaa Danjireyaasha iyo Wakiillada Dawladaha Denmark, Finland, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo booqasho qaadatay laba maalmood ku tagay Somaliland waxay la kulmeen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Xisbiyada Siyaasadda, Baarlamaanka, Guddida Doorashooyinka iyo Wakiillo ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah.
“Weftigu waxay tilmaameen walaaca ay ka qabaan in aan horumar laga sameynin u diyaar-garowgii doorashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya saddexda xisbi qaran ee ku wajahan sharciga doorashada Baarlamaanka.
Weftiga beesha caalamku waxay tilmaameen inay ka xun yihiin haddii dib-u-dhac kale yimaado doorashooyinka oo ay sheegeen inay caqabad ku noqonayso sumcadii dimuqraadiyadda Somaliland iyo ka qaybgalkii beesha caalamka.
Saaxiibadda Somaliland waxay xisbiyada ku booriyeen inay xaqiijiyaan u heellanaantooda doorashooyinka isla markaana iftiimiyaan inay sameynayaan tanaasulaadka lagama maarmaanka ah.
Waxa kaloo ay weftiga beesha caalamku u soo jeediyeen Golaha Baarlaamaanka inay dhaqaajiyaan Xeerka Doorashooyinka. Waxa kaloo Weftigu ku baaqeen in doorashooyinku ku qabsoomaan saaxad loo dhan yahay oo daahfuran iyo jawi nabdoon, waxaanay intaas ku dareen in laga qaybgeliyo haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.”
Sidoo kale waxa weftiga danjireyaashu sheegeen inay Somaliland kala shaqeynayaan abaaraha ka jira dalka.danjireyaasha caalamku waxay hoosta ka xariiqeen inay soo dhaweynayaan sida Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uga go’an tahay wadahadallada ay la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Ugu dambayn, waxa weftigii saaxiibada Somaliland war-saxaafadeedkooda uga mahadceliyeen madaxda Somaliland sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyey Jamhuuriyadda Somaliland.