Connect with us

somalilandtoday.com

Waddanka Nigeria Oo Beeniyay Inay Xidhmayaan 80-Xarumood Oo Dalka Debadiisa Uga Furan.

focus

Waddanka Nigeria Oo Beeniyay Inay Xidhmayaan 80-Xarumood Oo Dalka Debadiisa Uga Furan.


(SLT-Nigeria)Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Nigeria ayaa diiday wararka sheegaya in ay xirmayaan 80 xarumo dublamaasiyadeed oo dunida ugu kala yaala.

Afhayeen u hadlay waasaradda arrimaha debadda ayaa sheegay in miisaaniyad yarida la sheegay aysan waxba ka jirin.

Mar sii horraysayna, Seneterrada Nigeria ayaa dhaleecayn wayn soo jeediyay iyaga oo sheegay in aan la maalgalin xarumaha dublamaasiyadda ee dalku ku leeyahay dalalka caalamka.

Guddiga xildhibaannada u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay xaaladda ay ku sugan yihiin inta badan safaaradaha dalka Nigeria, qaarkoodna aysan awoodin in ay xataa iska bixiyaan korontada biyaha ay isticmaalaan.

Waxay sheegeen in ay cabashooyin soo gaarsiiyeen shaqaaalaha safaaradaha, kuwaas oo sheegay in aysan awoodin in ay carruurtooda ka bixiyaan lacagta iskuulka.


Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top