Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Iyo Maraykanka Oo Markale Xiisad Diplumaasiyadeed Ka Dhex Qaraxday.

focus

Turkiga Iyo Maraykanka Oo Markale Xiisad Diplumaasiyadeed Ka Dhex Qaraxday.


(SLT-Ankara ) Turkey ayaa wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ku eedeysay inay been faafisay kadib kulan dhex-maray labada diblomaasi ee ugu sarreeya labada dal, si ay uga wada-hadlaan xiisadda u dhaxeysa.

Washington iyo Ankara ayaa isku haya arrimo ay ka mid yihiin taageerada Mareykanka uu siiyo maleeshiyada Kurdishka Syria oo Ankara ay u aragto argagixiso, iyo iibsashada Turkey ee habka difaaca gantaalaha ee Russia.

Wasiirka arrimaha diebdda Turkey, Mevlut Cavusoglu iyo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa arbacadii wada-hadal ku yeeshay Washington intii lagu guda jiray booqashada Cavusoglu oo qeyb ka ah dabaal-degga sanad-guuradii 70-aad ee aas-aaska gaashaanbuurta NATO.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sheegtay in Pompeo uu Ankara uga digay “Cawaaqib baaba’ leh” haddii Turkey ay weerarto Syria, islmarkaana uu ku booriyey in “xal dabacsan” laga gaaro kiisaska muwaadniinta Mareykanka iyo shaqaalaha howl-galka Mareykanka ee Turkey, oo Turkey ay baaritaan ku hayso
Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sidoo kale sheegtay in Pompeo uu turkey ku cadaadiyey inaysan iibsan habka difaaca gantaalaha Ruushak ee S-400, oo haddii ay dhacdo ay ku muteysan karto cunaqabateynta Mareykanka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha Turkey, Hami Aksoy ayaa sheegay in warka dowladda Mareykanka “uusan kaliya ku guul-dareysan inuu sheego xaqiiqda kulanka, balse ay sidoo kale ku jiraan arrimo aanba kulanka lagu soo hadal qaadin”

Aksoy ayaa sheegay in kulamo kale oo horey u dhacay ay sidan oo kale wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka uga been sheegtay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top