Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Maxaynu U Samaysanay? Ahmed Nour Guruje

Articles

Somaliland Maxaynu U Samaysanay? Ahmed Nour Guruje


Waxa la yidhi waagii dawladdii Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti isku wacnaayeen , ayaa nin Soomaali ah oo kooras waxbarasho u joogay Raashiya ayaa habeen habeenada ka mida inan Ruushana dhirbaaxay .

Inantii Ruushka ahayd oo dhirbaaxadaas aad uga xumaatay ayaa dabeeto dacwaysay , dacwadiina waxaa loo gudbiyey jaamacadii uu joogay .

Ninkii inanta dhirbaaxay waa loo yeedhey , ka dibna waxaa la geeyey goob ka mida wadanka Ruushka oo ay yaaleen gantaalahaha waawayn ee Ruushku caanka ku yahay , ka dibna waxaa laggu yidhi , Hubka intaa la’eeg waxa loo samaystay ma garanaysaa ? dabeeto aamus ka dib waxaa loogu jawaabay , waxaa loo samaystay in dadkayaga oo inantaa aad dhirbaaxday ka mid tahay ayaa loo samaystay in lagu ilaaliyo, sidaa darteed inantii hubkaas laggu ilaalinayay hadii aad dhirbaaxday waajibkaagu waa in aan aanu maxkamad ku gayno , laakiin wadan aanu saaxiib nahay maadaam aad ka timid , wax kale kugu samayn maynee , keliya waanu ku mustaafurinaynaa .

Imika waa halkaase , wax kale ha inoo danbeeyeene , horta waaba is waydiine , Somaliland maxaynu u samaysanay ?

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top