Connect with us

somalilandtoday.com

Ninkii 50-ka Ruux Ee Muslimiinta Ah Ku Laayay New Zealand Oo Baadhitaan Caafimaad La Marinaayo.

focus

Ninkii 50-ka Ruux Ee Muslimiinta Ah Ku Laayay New Zealand Oo Baadhitaan Caafimaad La Marinaayo.


(SLT- New Zealand)Ninka loo dilay in 50 qof oo muslimiin ah ku laayay masaajid ku yaala magaalada Christchurch ayaa lagu amray in uu maro baadhitaan caafimaad oo dhanka maskaxda ah.

Waxaa tijaabo ka qaadi doona xeeldheerayaal xagga caafimaadka miyirka ah si loo ogaado in uu wajihi karo xeerbeegti dhagaysan doonta dacwadda loo heysto ee dil wadareedka.

Ninkan oo ku jira xabsi ayaa kasoo muuqday maxkamad isaga oo lagu soo xidh-xidhay qalabka la’iska arko, waxaana maxkamadda wada fadhiyay ehelka dadkii

Brenton ayaanan wax hadal ah ka oran dhagaysiga dacwadda, balse aad u dhagaysanayay, balse ma uusan arki karayn dadkii maxkamadda fadhiyay.

Waxaa markale maxkamadda loo balamiyay 14 ka April.

Cumar Nabi waa mid ka mid ah ehelka dadkii la laayay
Cumar Nabi waxa uu weerarka ku waayay aabihiis, wuxuuna yiri “Waxaan rabnaa in ninkan la ciqaabo”

Weerarkii uu ka geystay masaajidka Al Nuur kadib, waxa uu aaday masaajidka Linwood oo ah meesha labaad oo uu falka ka geystey.

Waxaa la sheegay in uu farsameeyay qasnadda qorigiisa, islamarkaasna weeyneeyay si ay u qaaddoo rasaas badan oo aysan durba uga go’in.

Waxaa hadda lagu hayaa xabsiga Auckland ee Paramoremo, halkaas oo la rumeysanyahay in uu yahay xabsiga ugu adag New Zealand.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top