Connect with us

somalilandtoday.com

Ninka Adduunka Ugu Lacagta Badan Oo Maalkii Ugu Badnaa Ku Bixiyay Furitaanka Gabadhiisa..

advertise

Ninka Adduunka Ugu Lacagta Badan Oo Maalkii Ugu Badnaa Ku Bixiyay Furitaanka Gabadhiisa..

(SLT-Washington)Ninka dunida ugu taajirsan Jeff Bezos iyo xaaskiisa MacKenzie ayaa ku heshiiyay in ay is furaan gabadhana la siiyo ugu yaraan 35 bilyan oo doolar.

MacKenzie ayaa saami 4% ah ku sii lahaan doonta shirkadda wayn ee dhanka online-ka ee Amazon, taas oo ninkeedu uu aas aasay shan iyo labaatan sano ka hor.

Waxayse faraha ka qaadi doontaa oo aysan saami ku yeelan doonin shirkadda Blue Origin iyo wargeyska Washington Post oo ninkeedu leeyahay.

Dhaqaalaha ku baxaya heshiiskan furitaanka ayaa ka saremaraya midkii ugu badnaa abid oo ahaa $3.8 bilyan oo uu bixiyay Alec Wildenstein oo farshaxanka ka shaqaysta wuxuuna siiyay xaaskiisii hore Jocelyn.

MacKenzie ayaa arrintan ku shaacisay barteeda bulshada oo ay adeegsatay markii u horraysay iyadoo ku soo biirtay bishan horraanteedii.

Waxay sheegtay “in ay ku faraxsan tahay in ay dhamaystirantay qorshihii furitaankeeda arrintaasna ay iska kaashadeen iyada iyo Jeff ”.
Heshiiskan furitaanka ka hor Bezos ayaa shirkadda Amazon ku lahaa saami dhan 16.3%. Wuxuuna hadda sii lahaan doonaa 75% sheerkii uu horay u lahaa, ka dib markii MacKenzie ay iyady sidaas raali ku noqotay.

Lamaanahan oo afar carruur ah isu dhalay ayaa isla noolaa tan iyo intii ka horaysay markii ninkeedu uu dhidibada u aasay shirkadda Amazon 1994-tii, taas oo lamaanaha u horseeday in ay yeeshaan 131 bilyan oo doolar, sida ay ku warrantay jariidadda dadka ladan ka faaloota ee Forbes.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top