(SLT-Chaina) Marakiib dagaal ayay Dawladda Shiinuhu u soo dirtay Dalkaasi Soomaliya, kuwaas oo maanta ka soo shiraacday Deked Millatari oo ku taalla dalka Shiinaha, sida lagu shaaciyey barta ay Ciiddanka Xorreynta Shiinaha ee PLA ku soo qoreen barta ay ku leeyihiin Shabakadda WeChat Maraakiibtaasi oo ku soo wajahan Gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Somalia oo ka kooban 3 Markab ayaa waxay kala yihiin Markab nooca wax burburiya, Mid Sahayda qaada iyo Markab ay ku rakiban yihiin Gantaallo.
Waana marki ugu horreysay ee ay Ciiddanka Shiinaha u soo diraan Markabka ay ku rakiban yihiin Gantaalladda la hago ee wax burburiya qeyb ka noqdo Hawlgalka ay ka wadaan Xeebaha Somalia.
Maraakiibta Dagaalka ee ay Shiinaha u soo direen Gacanka Cadmeed iyo Badda Somalia ayaa la shegay inay hawshoodu tahay inay gelbiyaan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Samafalka ee Qaramada Midoobay u kireysan, si ay Shixnadaha Gargaarka u soo Gaadhsiiyaan dalka Soomaliya.