(SLT-Muqdisho)Arrimaha amniga Muqdisho waa kuwa had iyo goor la hadal hayo oo moowduuc joogto u ah warbaahinta qeybaheeda kala duwan, balse aad ayay u yaryihiin waxyaabaha isbadelada ah ee soo kordha.
Faaladan waxaan ku eegeynaa waxyaabihii ugu dambeeyay kuwoodii ugu muhiimsanaa ee soo jiitay dareenka
Kaalinta Booliiska
Waxaa muuqata in ciidanka booliiska ay si rasmi ah ula wareegayaan ma’uuliyadda amniga caasimadda xilli markii hore ay dad badan u heysteen oo kaliya in shaqadoodu tahay xalinta arrimaha madaniga ah, sida labo qof oo isa soo dagaashay oo kale.
Dhowaan markii ay magaalada ka dhaceen qaraxyo badan oo is xigxigay, waxaa la magacaabay taliyeyaal cusub oo saldhigyada booliiska degmooyinka magaalada ah, kuwaas oo loo igmaday mas’uuliyadda sugista amniga.
Illaa heerka ay u diyaarsanyihiin qalab ahaan, tabobar ahaan iyo waliba qaab dhismeed ahaan, waa su’aal taagan.
Waxaa gebi ahaanba laga guuray qorshihii hore ee amniga, waxaana meesha laga saaray kaalintii muuqatay ee ciidanka nabad suggida oo hadda hawshooda kusoo koobay sirdoon iyo xog uruurin, taas oo ay la wadaagaan ciidanka booliiska si loogu hawlgalo.
Markii maalmo ka hor taliye ku xigeenka booliiska Sakiye Xuseen ay shir jaraa’id kusoo bandhigtay sawirka gaari ay sheegtay in uu qarax waddo, la’iskana illaaliyo, dad badan ayay qaadan waa’ ku noqotay, waxaana durba maanka kusoo daadagay su’aasha ah “Maxay booliiska u qaban waayeen gaaariga mar haddii ay ogyihiin kan uu yahay iyo waxa uu wado”.
Dad kale ayaa u arkay horumar laga sameeyay xagga amniga mar haddiiba xogtii la ogaaday ka hor intii aysan wax dhicin.
Booliiska waxa ay hadli jireen markii ay wax dhacaan, waxayna afhayeenada amniga dadka iyo saxaafada la wadaagi jireen haddalo isu eg oo had iyo goor lagu soo celceliyo, kuwaas oo u muuqda in lasoo xifdiyay.
Balse hadda taliye ku xigeenka booliiska Sakiya ayaa qabata shirar jaraa’id oo joogto ah oo ay kaga warbixinayso hawlgalada la fuliyay iyo talooyin kuwii hore ka duwan oo shacabka lala wadaagayo.
Mid ka mid talooyinkaas ayaa ahayd in shacabka ay aad u yareeyaan isticmaalka gaadiidka raaxada, maadaamaa kooxda Alshabaab ay inta badan qaraxyada u adeegsato baabuurtan.
Ma jiro wax afhayeen ah oo u hadla booliiska si ka duwan sidii hore, waxaana hadda warbaahinta la hadadasha taliye ku xigeenka booliiska, taas oo shirarka jaraa’id ku qabata xarunta taliska booliiska ee Komaando Booliisiyo loo yaqaano.
Illo xog ogaal ah waxa ay Radio lugo badan u sheegeen in saraakiisha booliiska intooda badan laga mamnuucay in ay saxaafadda la hadlaan, ayna jiraan dad yar oo hadallo siin kara warbaahinta.
Dadka naqdiya hay’adaha amniga, waxa ay tilmaamayaan in aysan soo kordhin wax weyn oo aan ka ahayn waddooyin la xiro iyo baaritaano shacabka ay dhibaatooyin kasoo gaaraan.
Waxaa ka mid ah Faaiso Cabdi Maxamed oo sheegtay in booliiska Soomaaliya xireen kadib markii lagu eedeeyay in ay tahay gabadh.
Maxaa is badelay?
Inkasta oo ay yaraadeen xiriirkii ay u dhacayeen qaraxyada, haddane weli waa ay dhacaan.
Qasaaraha intii waa ka yaryahay, hase yeeshee meelaha la bartilmaameedsanayo waa kuwa muhiim ah.
Tusaale qarax xalay dhacay waxaa lala eegtay meel aad ugu dhow dugsiga tabobarka booliiska ee Iskool Booliyo, halkaas oo maadaamaa amnigeeda la doorbidayay dhowaan lagu qabtay furitaankii Golaha Shacabka ee uu madaxweynaha khudbadda ka jeediyay.
Waxaa intaas dheer in qaraxyada oo inta badan dhici jiray maalinkii, ayay hadda u egtahay in sidoo kale habeenkiina qaraxyo la filan karo.
Aragti muddo dheer ay soo bandhigayeen dadka arrimaha amniga falanqeeya ayaa ahayd in inta badan qaraxyada lagu soo diyaariyo magaalada banaankeeda, sidaas darteed markii ciidamada militariga maalmo ka hor ay gobolka Shabeelaha Hoose ku qabteen gaari uu qarax ka buuxo, waxa ay ahayd dhacdo caddeyn u ah fikradaas, muujinaysana in hawlgalada banaanka magaalada ay qeyb weyn ka qaadan karaan xasilinta caasimadda.
Ciidamada ka hawlgala dibedda magaalada ayaa intooda badan ah ciidanka xoogga dalka, waxaana bishii hore dhacday in tiro badan oo ka mid ah ciidanka ay kasoo baxaan xerooyinkoodii iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in isbadel uu jiro, oo laga shaqaynayo xasilinta amniga, hase yeeshee waxaa la’is weeydiiyaa illaa heerka la joogtayn doono hawlgalada.