Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkii Golaha Wasiirradda Somaliland Ee Maanta Oo Lagaga Dooday Qabsoomidda Doorashooyinka

focus

Shirkii Golaha Wasiirradda Somaliland Ee Maanta Oo Lagaga Dooday Qabsoomidda Doorashooyinka

(SLT-Hargeysa)-Kal-fadhigii 32-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2019, waxa lagaga dooday arrimo badan oo salka ku haya danta bulshada.

Waxa warbixin lagaga dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaaladda amni ee dalka iyo muhiimadda ay leedahay adkaynta xasilloonidu.

Sidoo kale waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey nuqullada siyaasadda dhulka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta oo muhiimad weyn u leh guud ahaanba bulshada reer Somaliland.

Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirradu ku dheeraadeen diyaargarowga qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh oo saaxiibada Somaliland ee beesha caalamkuna danaynayaan inay xilligeeda ku dhacdo, xukuumaddana ay ka go’an qabashada doorashada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top