Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Xooggan Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

focus

Qarax Xooggan Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Qarax xooggan ayaa goor dhawayd oo fiidnimada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay magaalada oo dhan.

Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa dhacay abaarihii 7da Fiidnimo, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay Agagaarka Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye ama School Polizio ee degmada Xamar Jajab, si rasmi ah looma oga, waxaana la arkayay qiic iyo uuro.

Qaraxan caawa fiidkii dhacay ayaa ku soo aaday, iyadoo ammaanka Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, isla markaana la xiray waddooyin badan oo Caasimadda ku yaalla.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top