Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Soo Oogay Dacwad Ah In Uu Gawracay Xaaskiisa Oo U Dhalatay Maraykanka

focus

Nin Soomaali Ah Oo Lagu Soo Oogay Dacwad Ah In Uu Gawracay Xaaskiisa Oo U Dhalatay Maraykanka

(SLT-Henderson)-Maxamed Cabdiqaadir oo 21-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu gawracay, kadibna surka ka jaray Xaaskiisa oo la odhan jireyJole Randolof oo 20-jir ahayd.

Boliska magaalada Henderson ee Gobalka Nevada ee dalkaasi ayaa sheegay inay maydka haweeenydaasi ka heleen bishii hore ee March 23-dii Dhismo ay la degganayd Saygeeda oo ku yaalla Waddada Green River Road ee Waqooyiga dambe ee magaalada Henderson.

War Saxafadeed ka soo baxay Waaxda Booliska ee magaaladaasi ayaa sheegay inuu Maxamed Cabdiqaadir uu burush dhowr jeer madaxa kaga dhuftay xaaskiisa, ka hor inta aanu surka ka jarin, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Booliska waxay sheegeen inuu Eedeysanaha markii hore sheegay inay Xaaskiisa iyada surka iska jartay, balse markii dambe ayuu qirtay, iyadoo maydkeeda laga helay qol mukayf lahaa.

Booliska waxay sheegeen in uu Lammaanahaasi ka dhexeeyey khilaaf, isla markaana ay doonayeen inay is-furaan amma kala tagaan.

Ilmo yar oo ay dhaleen waxaa la sheegay in lagu wareejiyey Hay’adda Adeegga Bulshadda ee Kansas.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Cabdiqaadir waxa uu 2 sanno ka hor Qaxooti ahaan ku galay Maraykank, isag oo sharci ku jooga dalkaasi, inkastoo aanu weli helin Dhalashada dalkaasi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top