Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Ku Taalla London Oo Jabuuti Ku Amrtay Inay Bixiso Lacag Ka Badan 385 Milyan Oo Dollar

focus

Maxkamadda Ku Taalla London Oo Jabuuti Ku Amrtay Inay Bixiso Lacag Ka Badan 385 Milyan Oo Dollar

(SLT-London)-Maxkamadda dhexdhexaadinta caalamiga ee London ayaa dawladda Jabuuti ku amartay in ay bixiso 385 Milyan oo dollar iyo lacag dulsaar ah. Lacagtan ayaa ah xuquuqda shirkadda DP World ku yeelatay dekedda Doorale ee Jabuuti.

Sanadkii hore ayay dawladda Jabuuti gabi ahaanba shirkadda DP World ee reer Imaaraad ka eriday maamulladda dekedda oo ay ku lahayd saami dhan 33.34% halka Jabuuti lahayd 66.66%. waxaanu go’aanka haddu salka ku hayaa lacagta ka gashay iyo tan ay ka faa’iidi lahayd wakhtiga u hadhay shirkadda Dp World saamigeeda dekedda Jabuuti.

Go’aanka hadda ayaa ubucdiisu tahay in gabi ahaanba ay dawladda Jabuuti jabisay heshiiskii Dp World ay la gashay 2006 oo ahaa mid sharci ah, islamarkaana booskeedii u waddo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha sidaas awgeedna ay bixiso lacagtan dawladda Jabuuti.

Sources:
Wakaaladda Wararka Imaaraadka (WAM.ae/en

transportandlogisticsme.com

gulfbusiness.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top