Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Siilaanyo Sherkadii Uu Ku Faanijiray Ayuu Muuse Biixina Jilbaha Dhulka Ugu Dhufanayaa. Axmed Cismaan Geele Waanu Garab Taaganahay..

English

Madaxweyne Siilaanyo Sherkadii Uu Ku Faanijiray Ayuu Muuse Biixina Jilbaha Dhulka Ugu Dhufanayaa. Axmed Cismaan Geele Waanu Garab Taaganahay..


Marka Madaxweyne Siilaanyo uu shirkadaha aduunka ku dhiiri gelinaayo inay maal gashadaan Somaliland wuxuu tusaale u soo qaadan jiray Shirkada SBI ee uu madaxda ka yahay Axmed Xaaji Cismaan Geele.
Shirkadaas oo maal gelintii ugu weyneyd Somaliland ka samaysey ka hor intii aan shirkada DPW ayna iyana maalgelin ku samayn Somaliland, DPW sababaha ay Somaliland ku aamintay waxaa ka mid ahaa inay aragtay in shirkada weyn ee SBI ay maalgelin malaayiin doolar ah ay ku samaysey Somaliland oo aan la ictiraafsaneyn, taas oo dhiiri gelin u noqotay DPW inay timaado Somaliland oo ay maal gashato.

Shirkadii sidaas ahayd ayey maanta xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ay doonaysaa inay jilbaha dhulka ugu dhufato oo ay waddamo shisheeye oo horumarka Somaliland weligoodba diidanaa ay u soo raacdo!

Mudane Madaxweyne arinkaas aad ku burburineysid shirkadaha waaweyn ee Somaliland ee aad weliba cadawga usoo raacaysid, waa mid aan kaa qaban umadda Somaliland iyo weliba ganacsade Axmed Xaaji Cisman Geele. Waxaana kuu qurux badan inaad ganacsadaha iyo shacabka Somaliland ba xaal siisid, waxaadna ogaata Madaxweyne, inaan shacabka Somaliland sinaba u yeelayn in wax la yeelo ganacsade Axmed Xaaji Cisman Geele iyo shirkadiisa ay kumanaanka muwaadin ee Somalilander ka ahi u shaqeeyaan.

Waanu garab taaganahay ganacsade Axmed Xaaji Cisman Geele!

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top