Connect with us

somalilandtoday.com

Kongareeska Maraykanka Oo Codsaday Warbixintii Baadhitaankii Ruushka Iyo Trump Oo Dhameystiran

focus

Kongareeska Maraykanka Oo Codsaday Warbixintii Baadhitaankii Ruushka Iyo Trump Oo Dhameystiran

(SLT-Washington)-Kongareeska Maraykanka ayaa u codeeyey Arbacadii shalay in Xeer illaalinta Maraykanka ku soo wareejiso warbixinta iyo natiijadii Baadhitaankii Farogelinta Ruushka ee doorashadii Maraykanka 2016 oo dhameystiran, todobaadkii hore ayaa lasoo gaba-gabeeyey baadhitaanka.

Baadhitaankan oo socday muddo ka badan labo sanno ayaa waxaa waday Xeer illaaliyaha khaas ah ee loo saaray Robert Mueller, balse natiijada baadhitaankan ayaa ah mid aan weli si dhameystiran loo shaacin.

Xeer illaaliyaha Guud ahna xoghayah Cadaalada Maraykanka William Barr oo uu dhawaan xilkaasi u magacaabay Donald Trump ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in natiijada baaritaanka ay noqotay in wax cadeyn ah lagu waayey in xiriir toos ah uu ka dhaxeeyey Ruushka iyo Donald Trump xiligii ololaha doorashadii 2016, wuxuu sidoo kale sheegay in lagu waayey cadeyn inuu Trump jabiyey sharuucda dalkaasi ama is-hortaagay baadhitaanka socday.

Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga ee hada heysta Aqlabiyada Kongareeska / Aqalka Golaha Wakiilada ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn warbixinta ka kooban 4ta-bog ee uu soo bandhigay Xeer illaaliyaha Guud William Barr, waxayna doonayaan inuu iyaga kusoo wareejiyo dhamaan qoraalka baaritaankii Mueller oo dhameystiran.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya qoraalka baaritaanka oo ay qoreen Robert Mueller iyo kooxdiisa oo gaaraya in ka badan 300-bog, ay ku jiraan xog badan oo xasaasi ah oo dhaawici kara Trump oo uu qariyey Xeer Illaaliyaha Guud Mr.Barr oo diidan inuu shaaciyo warbixinta oo dhameystiran.

Trump oo markii hore sheegay in natiijada baaritaankan la shaacin doono ayaa hada isbedalay isagoo sheegay in qorshaha Dimuquraadiga uu yahay inay sii balaariyaan baadhitaanada isaga lagu hayo xili la gelayo ololaha doorashada 2020.

Dimuquraadiga ayaa sidoo kale baadhitaan ku wada Dhaqaalaha iyo shirkadaha gaarka ah oo uu leeyahay Donald Trump, iyagoo codsaday in lagu soo wareejiyo dakhliga Trump ee 6dii sano ee lasoo dhaafay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top