Connect with us

somalilandtoday.com

“Kala Diris Madaxweynaha Kamaanu Maqal…” Maayarka Hargeysa

focus

“Kala Diris Madaxweynaha Kamaanu Maqal…” Maayarka Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa sheegay in goleyaasha degaanka ee Somaliland sii joogi doonaan xilka ilaa laga gaadhayo doorasho lagu doorto goleyaal kale. Waxa uu sheegay in filashada ah in la kala diro goleyaasha degaanku tahay hadal hayn dad weyne laakiin, aanay ahayn mid ka timid dhanka madaxweynaha.

Goleyaasha degaanka Somaliland hore golaha Guurtidu muddo kordhin ugu sameeyay ayuu Jimcihii la soo dhaafay kaga eeka muddo xileedkoodu “ Marka dastuurka laga yimaaddo xeer lambar 23 ayaa maamullada gobollada iyo degmooyinka lagu dhaqa, xeerkaasi kala dirista qodobo ayuu ka sheegaya; waa shuruudo iyo xilli mucayin ah iyo degmo mucayin ah laakiin, dee gole la doortay gole la doortay ayuun baa bedelaya,” Sidaas ayuu yidhi Maayarka Hargeysa oo BBC-da u warramay.

Maayarka waxa la waydiiyay in goleyaasha degaanku sii fadhiyi doonan iyada oo wakhtigii ka dhacay wax muddo kordhin ahna aan loo samayn waxaanu ku jawaabay “Sharciyan gole ayuun baa bedelaya golahan inta golaha kale la dooranayana waxa sii shaqaynaya golahan jooga.”

Waxa kale oo la waydiiyay in madaxweynuhu kala dirayo golaha bulshaduna si weyn u hadal hayso arrintan waxaanu ku jawaabay “ Dee horta taa shacbiga yidhi ee anagu madaxweynaha kamaanu maqal, waxa dadku suuqa ka leeyihiin laguma qaadan karo go’aan taasna madaxweynuhu wakhtigiisa iyo marka ay isaga ka soo baxdo aynu gaadhno.”

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Isniintii sheegay in goleyaasha degaanka wakhtigii ka dhammaaday sidaas awgeedna aanay maamulidda dawladaha hoose uga dhawayn dadka shacabka ah. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay xisbiga ayaa sheegay in aanu jirin sharciyad ay dawladaha hoose dadka cashuur kaga qaadan kuna isticmaalaan maaddaama muddo xileedkii sharciga ahaa ka dhammaaday wax muddo kordhin ahna aan loo samayn.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top