Connect with us

somalilandtoday.com

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Loo Magacaabay Nin Deegaan Ahaan Ka Soo Jeedaa Somaliland

focus

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya Oo Loo Magacaabay Nin Deegaan Ahaan Ka Soo Jeedaa Somaliland

(SLT-Muqdisho)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhammaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay magacaabida Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe.

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, kaasoo magacaabidiisa ku yimid Guddi loo xil saaray xulidiisa oo ka tirsan Golaha Wasiirada.

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa uu leeyahay khibrad dhinaca maamulka Dhaqaalaha iyo Bankiyada, waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa Guddiga soo xulida ninka noqonaya Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, inkastoo uu haatan noqday ninka loo xushay xilkaas.

Waxaa uu labadii sanno ee la soo dhaafay ahaa La Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Raysal Wasaaraha, waxaana uu heystaa dhalashada dalka Norway, waxaa uu ka soo shaqeeyay hey’adda NRC ee laga leeyahay dalka Norway.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top