Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Ku Gacan Saydhay Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta

focus

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Ku Gacan Saydhay Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Sababta

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa laba maalmood ka hor waxa uu dalbaday in uu la kulmo ganacsata iyo siyaasiyiinta beesha Arab oo uu ka mid yahay ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Kulan ayaa waxa la sheegay in lagaga wada hadlayay dacwad la sheegay in dawladda Jabuuti ay ku soo oogtay ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo muran badan ka dhex dhalisay shacbka reer Somaliland.

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa waxa la sheegay in uu ku gacan saydhay kulan uu madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday inuu la qaato.

Talaabada madaxweyne Muuse Biixi ku dalbaday kulanka ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa u soo beegantay wakhti ay shacabka Somaliland, madax dhaqameedka iyo wax garadkuba ay xukuumada kaga soo horjeedsadeen qorshaha ka dhanka ah ganacsadaha ee laga garab siinayo dalka Jabuuti.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top