Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Khilaafka Somaliland Iyo Soomaaliya

focus

Raysal wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Khilaafka Somaliland Iyo Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo hadal ka jeedinayay shirweynihii xisbiga Soomaalida ee Jigjiga ku soo dhammaaday Shalay ayaa sheegay in bishii hore xukuumaddiisu bilawday ka shaqaynta sidii is fahan loo dhex dhigi lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.

Dr Abiy Axmed waxa uu sheegay in arrintaasi ku timid codsi ay odayaasha gobolku sanadkii hore ula tageen oo ahaa in door laga qaato sidii loo xallin lahaa khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya.
Raysal wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in nabad ku wada noolaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya muhiim u tahay degenaanshaha gobolka.

Waxa uu ammaanay dadaallada xukuumaddiisu ka qabatay nabadda gobolka iyo tan dalkiisa ee la dagaallanka musuqmaasuqa iyo kootara baanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top