Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ku Kulmay Nairobi

focus

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Iyo Kenya Oo Ku Kulmay Nairobi

(SLT-Nairobi)-Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma ayaa kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlay soo celinta xidhiidhkii labada dal ee xumaaday.

Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda Twitterka soo dhigtay ku sheegtay in iyada iyo dhiggeeda Soomaaliya ka wada hadleen sidii xidhiidhka labada dal uu si caadi ah ugu soo laaban lahaa.

Waxaa ay sheegtay inay ka wada hadleen xaaladii ka dhashay xidhiidhka labada dal iyo walaacii Kenya ka qabtay shirkii Shidaalka London ka dhacay 7 February ee sannadkan.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ku heshiiyeen sidii dib loo soo celin lahaa Safiiradii labada dal, ugana laaban lahaayeen goobtooda shaqo.

Ma jirto wax war ah oo Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ka soo saartay kulankan labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Kenya iyo Soomaaliya.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya ayaa mugdi soo kala dhex galay, wixii ka dambeeyay markii Kenya ay sheegtay in Soomaaliya ay xaraashtay xidhmooyin ku yaalla dhul xuduudka ay leedahay, waxaana dalkeeda ka eriday Safiirkii Soomaaliya, una yeedhatay safiirkeedii Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top