Connect with us

somalilandtoday.com

Hogaamiyihii Hore Ee Malaysia Oo Maanta Maxkamad La Soo Taagayo Iyo Lacago Malaayiin Dollar Ah Oo Loo Haysto

focus

Hogaamiyihii Hore Ee Malaysia Oo Maanta Maxkamad La Soo Taagayo Iyo Lacago Malaayiin Dollar Ah Oo Loo Haysto

(SLT-Malaysia)-Hogaamiyihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa maanta oo Arbaca ah maxkamad lasoo taagi doonaa, iyadoo loo heysto musuqmaasuq ah inuu lunsaday lacago malaayiin dollar ah.

Ku tagri-falidda lacagahaasi tirada badan ayaa aad uga yaabisay aduunyada, waxana ay door ka ciyaartay isbaheysigii uu madaxda ka ahaa ee muddada dheer soo xakumayay dalkaasi uu guuldarrooyin kala kulmo doorashooyinki dalkaasi ka dhacay sannadi hore.

65 jirkaan ayaa maanta wajahaya mid ka mid ah dhowr dacwadood oo lagu soo oogay, waxaana tan ugu weyni ay tahay xatooyo malaayiin dollar ah. Lacagahaasi ayaa markoodii hore loogu talagalay maalgeshi dibadda uga yimid Maleysia, taasoo la rabay in lagu horumariyo dhaqaaqalah dalkaasi dhaca Koofurbari Asia.

Ka hor inti aanu lumin doorashadi sannadki hore, waxaa aad loogu saadaalinayay inuu si fudud ugu guuleysan doono, balse waxaa kaga guuleystay doorashada, hogaamiyihii muddada dheer soo xakumayay Maleysia Mahathir Mohamad.

Najib Razak ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top